Dallada PEDAN oo gacan ka geeysatay yagleelidii Dallada Qurbajogta Galmudug ee Qaarada Yurub GEDAN

Dallada PEDAN oo gacan ka geeysatay yagleelidii Dallada Qurbajogta Galmudug ee Qaarada Yurub GEDAN. Dallada PEDAN oo gacan saar iyo wada shaqeyn la lahayd Jaaliyada Galmudug ee Sweden ayaa qayb wayn ka qaadatay abaabulka kulamo lagu yagleelayay Dallada Qurbajooga Galmudug ee Yurub. Kulankii ugu horeeya oo ahaa kulan 2 cishoodla ah oo ka dhacay magaalada Stockholm ee Dalka Sweden 28-29.2.2020, kulankaas oo ahaa mid lagu gorfeeynayay qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo Dallad mideeysa ururada reer Galmudug ee Yurub, kadibna qayb ka noqota raadinta mideeynta Qurbajoogta Soomaalida ee Yurub oo ay Dallada PEDAN qayb ka tahay. Kulankii labaad oo ahaa kulan qaatay 8 maalmood oo ka dhacay magaalada Antalya ee wadanka Turkey 19-26.9.2020. Kulankaas oo ahaa mid isugu jiray tababar aqoon kororsi 4 maalmood qaatay, iyo 4 maalmood oo lagu yagleelayay Dallada Qurbajoogta reer Galmudug ee Qaarada Yurub “GEDAN”. Waxaa PEDAN sharaf wayn u ahayd inay qayb wayn ka qaadatay abaabulkii iyo dardargelintii lagu yagleelay Dallada GEDAN. Dallada PEDAN waxay u mahadcelinaysaa dhamaan Gudiga PEDAN, oo si hagar la’aan ah ooga qayb qaatay taageerida walaalaha reer Galmudug ee ku midoobay Dallada GEDAN. Waxaan rajayneynaa in labada Dalladood PEDAN iyo GEDAN ka wada shaqeeyn doonaan sidii loo taageeri lahaa olalaha mideeynta walaalahood Qurbajoogta reer Hirshabeele, Jubaland iyo Koonfur-Galbeed ee ku dhaqan Qaarada Yurub. Kadibna, loo mideeyn lahaa dhamaan Qurbajoogta Soomaalida ee Qaarada Yurub. Arintaan oo noqon doonta tusaalaha ugu wanaagsan oo aynu Qurbajoogteena u gudbin (dhoofin) karno walaalaheena Soomaaliyeed ee Daljoogta ah. Midnimo ku dheehan is-ogalaansho iyo wax-wada qabsi oo ay wehliso Rabi ku xirnaansho, ayaa ina deeqda oo aynu ku aflixi karnaa aaqiro iyo aduunkaba.QadarinGudiga PEDAN.