Waxaa magaalada London ee wadanka Ingriiska lagu soo gabagabeeyay tababar aqoon iyo xirfad kororsi soconayay 9 maalmood, qeeybtiisa koowaad. Tababarka ayaa diirada la saaray sare u qaadida fahamka iyo dareenka maskaxda, maaareeynta khilaafaadka iyo wadahadalka, taasoo ulajeedadeedu tahay sidii loo tayeen lahaa loona kobcin lahaa aqoonta iyo kartida hogaamiyaasha dhalinyarada. Tayeenta aqoonta iyo kartida hogaamiyaasha dhalinyarada waxeey suurtagelineeysaa in dhalinyarada soo koreysa helaan adeeg tayeeysan oo dhameeystiran, awoodna u yeelaya dhailnyarada ineey noqdaan kuwo waxtar u leh bulshadooda. Hirgelinta mashruucan tababarka waxaa iska kaashaday hay’adda Fayo Foundation oo fadhigeedu yahay London, UK iyo hayada Volunteers Centre Skopje’ oo fadhigeedu yahay wadanka Macedonia, halkaas oo lagu qaban doono tababarka qeeytiisa labaad bisha sagaalaad 2019. Tababarka waxaa kasoo qeeybgalay 15 hay’addood oo maxali ah kana kala socday 15 waddan ee qaarada Yurub. Hay’addaha kasoo qeeybgalay baa shan ka mid ah ka socday Dalladda Pedan. Ururka Fayo Foundation waxeey u mahadcelinayaan dhamaan xubnihii ka soo qayb galay & intii ka qayb qaadatay inuu qabsoomo tababarkaan.